
Sidii aynu gabaggabadii maqaallkii kowaad ku sheegnay, 1927 ayuu Sh. Xasan Albanna ka qalin jabiyay Kulliyaddii DARUL CULUUM ee ku taallay magaalladda Qahira, kaddibna waxa uu sheekhu u safray magaalladda Ismaaciiliya si uu macallin ugga noqddo duggsi hoose oo ku yaallay halkaas.
Ismaaciiliya iyo Sh. Xassan Al Banna
Ustaad Xasan Al Banna markii uu yimid Ismaaciiliya waxa uu isla markiiba billaabay in uu baadhitaan ku sameeyo xaalladda bulsho, diineed, dhaqaalle iyo siyaasaddeed ee ay ku suggan tahay magaalladdu. Baadhitaankaas, waxa Sheekha uga soo baxay in magaalladu ay tahay magaallo Isticmaar, in dadka deggan magaalladda badankooddu ay u shaqeeyaan shariikad uu Isticmaarku lahaa oo la odhan jiray “QANATU SUWAYS”. Xagga diinta waxa uu arkay in masaajiddadii ay ku soo hadheen kooxo wadaaddo ah oo uu khilaaf googooyay kuwaas oo masaa’il yar yar (oo ay culimadd Muslimiintu isku khilaafsanaayeen qarniyo) ummaddii ku jaha wareeriyay, waxa kale oo uu arkay in khilaafkaasi(wadaaddadu) uu keenay in dadka badankoodu ay ka fogaadeen Masaajiddadii ayna ku urureen makhaayadaha SHIISHADDA (BADEECADDA) lagu nuugo.Xasan Al Banna Iyo Xidhiidhkii bulshadda Ismaaciiliya
Xasan Al Banna sida lagu yaqaano daacigga mukhliska ah waxa u cuntami waayay xaalkii ay waqtigaas ku sugnayd magaalladu. Waxa uuna go’aansaday in uu arinkaas wax ka qabto. Waxa uu bilaabay in uu mujtamaca dhex galo iyo in uu xidhiidho la sameeyo dadka saamaynta ku leh magaalladda. Sidoo kale waxa uu xidhiidho la sameeyay waalidiintii dhashay caruurtii uu wax ugu dhigi jiray iskuulkii uu markaas macalinka ka ahaa, waalidiintaas oo qaarkood uu markii danbe bilaabay in uu habaynkii wax u dhiggo. Xagga Masaajiddada, waxa uu goostay in aanu marxaladdan waxba ka dhex sheegin waayo waxa uu ka baqay in ay taasi keento in loo arko in uu daraf ka noqday khilaafkii wadaaddada ee waqtigaas ka taagnaa masaajiddada magaalladda, sidaas oo ay tahay haddana waxa uu bilaabay in uu xidhiidho hoose la samaysto wadaaddadii iyo dadkii ku tukan jiray masaajidadaas.Dacwaddii Makhaayadaha
Sheekhu waxa kale oo uu bilaabay in uu dadka ugu tago meelaha ay jooggaan. Wacdiyo gaagaaban ayuu ka bilaabay sadex makhaayadood oo ka mid ahaa makhaayaddihii waqtigaas ugu waaweeynaa magaaladda, makhaayadahaas oo ay ragga magaaladda dageni fiidadkii u iman jireen in ay badeecadda ku nuugaan. Habka uu sheekhu wacdiga dadka u gaadhsiin jiray waxa uu ahaa hab aad u sahalan kaas oo raad kaga tagaya qof kasta oo maqala Waxa la soo wariyay in uu sheekhu maalin maalmaha ka midda uu yimid makhaayadahaas midood, dhimbiil dab ah inta uu qaadday ayuu ku dhex tuuray koox rag ah oo badeecad nuugaya. Ragii markii ay arkeen dabkaas dhexdooda yaalla ayay mar kalliya ka boodeen meeshii ay fadhiyeen. Sheekhu inta uu ku soo dhawaaday ayuu ku yidhi walaalayaal waxa aad ka cararteen dhimbiil yar oo dab ah taas oo aan dhib badan idiin gaysanayn ee miyayna- walaalayaal- ahayn in sidaas aad dabkan uga cararteen si la mida ama si ka wayn aad uga carartaan dabka aakhiro. Waxa kale oo uu sheekhu dadka u sheegi jiray in sababta ugu wayn ee keentay dibu dhaca Muslimiintu ay tahay in ay ka fogaadeen dariiqii Ilaahay iyo in xalka mushkiladaha Muslimiintu uu ku imanayo oo kaliya in ay Muslimiintu u soo noqdaan dariiqa Ilaahay.Asaaskii Xarrakadda Ikhwaanka
Wacyigallintan sheekhu waxa ay saamaysay qaar ka midda dadkii deggenaa Ismaaciiliya. Bishii Maarso 1928 ayaa waxa sheekha u yimid lix[i] walaal oo ka midda dadkii Sh.Xasan Al Banna duruustiisa iman jiray. Waxa ay waydiiyeen sheekha in uu u sheego sida loo soo celin karo sharaftii iyo quwadii ay Muslimiinta lahaan jireen. Waxa ay ku yidhaahdeen waxa badan ma haysano. Waxa aanu hasyanaa naftayadda iyo quudka caruurtaydda. Labadaasna waxa aanu diyaar u nahay in aanu u hurno sidii loo soo celin lahaa sharaftii iyo karaamadii Muslimiinta, ee na hogaami. Sh.Xasan Al Banna waa uu ku farxay Ikhlaskaa uu ka arakay lixdaas walaal waana u duceeyay. Waxana u sheegay in sida kaliya ee ay ku soo celin karaan sharaftii Muslimiintu ay tahay in ay askar u noqdaan dacwada Islaamka. Halakaas ayayna balan (BEECO) iskula galeen. Markii ay is waydiiyeen magacee baynu ku shaqaynaa waxa uu Xasan Al Banna ku yidhi waxa isu keen keenay sow ma aha walaaltinimada Islaamka. Haa bay yidhaadeen. Hadaba waxa aynu nahay walaalo Islaam (AL-Ikhwaanul Muslimoon). Sidaas ayuuna maggaca Ikhwaan Al Muslimoon ku baxay.
Juhdigaa yar iyo ikhlaasnimadaa ay la yimaadeen todabadaa qof ayaa waxa ay gundhig u noqotay fikrad balaadhan oo ka taaba qaada dhamaanba cidhifyadda aduunka oo dhan. Maqaalka soo socdda ayaynu ku eegi fikradaha asaaska u ah fikirka walaalaha.
[i] Magacyadda Lixdan walaal waxa la kala odhan jiray 1.Xaafid Cabdill Xamiid 2.Axmed Al Xusari 3. Fu’aad Ibraahiim 4. Cabdiraxmaam Xasbullah 5.Ismaaciil Ciz 6.Zaki Al Maqrabi
Juhdigaa yar iyo ikhlaasnimadaa ay la yimaadeen todabadaa qof ayaa waxa ay gundhig u noqotay fikrad balaadhan oo ka taaba qaada dhamaanba cidhifyadda aduunka oo dhan. Maqaalka soo socdda ayaynu ku eegi fikradaha asaaska u ah fikirka walaalaha.
[i] Magacyadda Lixdan walaal waxa la kala odhan jiray 1.Xaafid Cabdill Xamiid 2.Axmed Al Xusari 3. Fu’aad Ibraahiim 4. Cabdiraxmaam Xasbullah 5.Ismaaciil Ciz 6.Zaki Al Maqrabi
comments
2 Responses to "Xasan Al Banna…Hormoodkii Dacwadda Islaamka ee Qarnigga Labaatanaad-2"Waa wax wayn qiimo leh, marka laga hadlo dadkii tariikhda waxka sameeyay ee wax badlay Umadana waxku soo kordhiyay.
Xassan Albanaa waad na bartay nasiibna waynoo tahay inaan duruuska qaadano shakhsiyadan oo kale.
Halkaas nooga wad .....
Abiib X Ali
mahadsanid
Post a Comment