Saturday, July 8, 2006

Ikhwaanka Iyo Siyaasadda




Weerar fikradeedkii (intellectual invasion)ay wadamadda Galbeeddku ku soo qaaddeen caalamka Islaamku waxa uu sabab u ahaa in inbadan oo ka mida waxgaradkii iyo hoggaankii Muslimiinta ay ka dhaadhacdo in sabata uu Galbeeddku uga hurumaray Muslimiinta ay tahay nidaamka kala saaridda diinta iyo siyaasadda(secularism) ee ay waddamadaasi ku dhaqmaan. Fikirka noocani waxa uu noqday mid xitaa u gudbay qaar ka mida culimmadii diinta Islaamka ee waqtigaas kuwaas oo ayba qaarkood Muslimiinta ugu yabooheen kala saarida siyaasadda iyo diinta iyo in ay diintu noqoto mid ku kooban nolosha qofka iyo masaajiddada oo kaliya. Fikirkani waxa kale oo uu ka mid ahaa sababihii soo dadajiyay burburkii Khilaafadiii Cusmaaniyiinta taas oo ahayd nidaam siyaasaddeed oo (ugu yaraan magac ahaan) kulminayay Muslimiinta Caalamka intooda badan.

Xasan Al Banna Iyo Siyaasadda

Duruufaha noocaas ahi waqti ay ka jireen caalamka Islaamka ayaa la asaasay ururka Ikhwaanka. Bilowgiiba Xasan Al Banna waxa uu sheeggay in fahamkooda Siyaasigga ahi uu yahay mid ka duulaya fahamka ay Ikhwaanka u leeyihiin diinta Islaamka. Waxa uu sheegay in Islaamka ay Ikhwaanku umadda ugu yeedhayaan uu yahay Islaamkii uu la yimid nabi Maxamed (Naxariis iyo Nabdgalyo korkiisa ha ahaatee). Siyaasadda iyo xukunkuna waxa uu sheeggay in ay ka mid yihiin asaasiyaaddka diinta Islaamka sidaas darteedna ay yihiin asaasiyaaddka dacwadda Ikhwanka. Khudbad uu ka jeediyay shir ay isugu yimaadeen arday ka tirsan ururka Ikhwaanka ayaa uu Sheekhu ku cadeeyay mawqifkan, waxa uu yidhi “Qofka Muslimka ah diintiisu ma dhamaystirmayso ilaa uu noqdo Siyaasi aragti dheer u leh arimaha umaddiisa, sidaas oo kale ma dhamsytirmayo Islaamka shakhisgu ilaa uu ka noqdo mid ihtimaam siinaya una qiiroonaya umuuraha dadkiisa. Fogaynta laga fogaynayo Islaamka arimaha bulshaduna ma aha arin uu Islaamku qirayo oggol yahayna. Urur kasta oo xambaarsan magac Islaami ahi waa in uu siyaasadda halka ugu saraysa ka galiyaa barmaamijkooda, hadii kale ururkaas isaga laftigiisa ayaa u baahan in uu si fiican u fahmo diinta Islaamka. Ikhwaanku waligoodba waxa ay ahaayeen Siyaasiyiin sida ay waligoodba u ahaayeen Muslimiin (wuxu u jeedaa Siyaasadda iyo Islaamku waa ay isku lamaanan yihiin). Dacwada Ikhwaankuna waligeed ma kala saarin diinta iyo siyaasada.”

Ikhwaanka Iyo Xukunka

Ikwaanku waxa ay rumaysan yihiin in Musulimiintu ay ku dhaqmaan tacaalinta diinta Islaamka, xukumka ay isku xukminayaana uu noqdo xukum Islaamiya, sidaas oo jirta haddana waxa ay aaminsan yihiin in uu arinkani ku yimaaddo qanaacada shacbiga. Si aanu hadaba shacbigu uga hor iman xukumka Islaamka ah ayaa waxa ay ay Ikhwaanku aaminsanyihiin in shacbigga loo diyaariyo laguna qanciyo sidii ay ku aqbali lahaayeen arinkan. Fogaanta ay Muslimiintu ka fogaadeen tacaaliinta diinta Islaamka ayaa waxa ay ay khasab ka dhigaysaa sida ay aaminsanyihiin Ikhwaanku in axkaamta Islaamka loo dabaqo si talaabo talaabo ah.

Ikhwaanka iyo nidaamka axsaabta badan

Waqtigii la asaasay ururka ikhwaanka, waxa jiray khilaaf xun oo u dhaxeeyay xisbiyadii siyaasiga ahaa ee waqtigaas jiray. Khilaafkaas asalkiisu ma ahayn mid ku dhisan mabda laakiin waxa uu ahaa khilaaf uu asalkiisu yahay nacayb shakhsi iyo urur. Khilaafaadkaas xisbiyadda dhex yaalay oo waqtigaas meel xun gaadhay ayaa waxa ay sabab u ahaayeen in uu Sh.Xasan Al Banna ku qanco in nidaamka xisbiyadda badani aanu ahayn nidaam faaida u leh mujtamaca. Sidaa daraadeed ayaa waxa uu soo jeediyay in dhamaanba axsaabtii siyaada ee waqtigaa jirtay la baabiiyo lana dhiso xisbi kaliya oo umada haga. Inkasta oo uu kaasi ahaa fikirkii Ikhwaanka ee waqtigii uu noolaa Sh.Xasan Al banna hadana fikirkaas ma aha ka ay iminka Ikhwaanka aaminsan yihiin. Fikirka siyaasiga ah ee Ikhwaanka ee waqtigani waxa weeye in la qaato nidaamka axsaabta badan. Mawaaqifkaas siyaasiga ahi waa mawqifka ururadda u nasab sheegta fikirka ikhwaankuna meel kasta oo ay joogaanba. Waxana ay aaminsan yihiin in mawqifkii Sh.Xasan Al Banna ee nidaamka xisbiyada badan uu ahaa mid la falgalayay duruufihii jiray waqtigii uu noolaa ee aan ahayn mid daa’im ah.

Mahadsanidin
Said Ali Ahmed
Said.ali.ahmed@gmail.com


I

comments

0 Responses to "Ikhwaanka Iyo Siyaasadda"

Post a Comment

 

Copyright 2009 All Rights Reserved Revolution Two Church theme by Brian Gardner | Blogger template converted & enhanced by eBlog Templates